Zinedine Zidane Oo Ugu Dambayn Cudur-daarkii Kasoo Dhamaaday.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Zinedine Zidane ayaa Jimcihii maanta dib u wada helay dhamaan ciyaartoydiisa, waxaana tababarka ugu soo laabtay laacibiintii dhaawaca kaga maqnaa xilli ay u diyaar garoobayaan kulanka Axadda ay kula ballansan yihiin Eibar.

Eden Hazard ayaa tababarka la qaatay ciyaartoyda kale ee kooxda, waxaanu kasoo muuqan doonaa liiska xiddigaha Real Madrid ee kulanka Ipurua, laakiin uma badna inuu kusoo bilaaban doono maadaama uu hadda uun kasoo laabtay dhaawac oo aanu jidhkiisu dib isku wada helin.

Tababare Zinedine Zidane ayaa la rumaysan yahay in aanu khatar gelin doonin laacibkan oo xili ciyaareedkii labaad la dhibaatoonaya dhaawacyo soo noqnoqonaya oo u diiday inuu soo bandhigo ciyaartii looga bartay waqtigiisii Chelsea.

Mariano Diaz iyo Luka Jovic ayaa iyaguna tababarkii Jimcihii maanta joogay, kooxdana la dhamaystay, waxaanay Karim Benzema ka fududaydin karaan culayskii weerar ee kalidii uu ku ahaa afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay labadan laacib dhaawac ku maqnaayeen oo ay guulo gaadhay kooxdu.

Laacibka khadka dhexe ee Martin Odegaard ayaa isaguna Khamiistii bilaabay tababarka oo uu la qaatay ciyaartoyda kale, waxaanu kusoo noqon doonaa safka kooxdiisa oo uu ka maqnaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Borussia Monchengladbach, Sevilla iyo Atletico Madrid.

Inkasta oo soo laabashada xiddigahani ay Zinedine Zidane siinayso kala-doorasho ciyaartoydiisa ah, haddana waxa uu taxadar badan ka samayn doonaa Hazard oo dhaawaciisan ugu dambeeyey uu si fudud kusoo gaadhay kulankii Alaves ee November 28.

Luka Modric, Toni Kroos iyo Casemiro oo ahaa xiddigaha sida joogtada ah usoo ciyaarayay kulamadii ay guusha gaadhaysay kooxdoodu laakiin uu kubbad-burburiyaha reer Brazil ganaax ku seegay ciyaartii Athletic Bilbao oo uu booskiisana sii buuxiyey Fede Valverde oo kasoo laabtay dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here