Magaca Xiddigii Sanadka 2020 ugu Wanaagsanaa oo la Shaaciyay.

0
157

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa shaacisay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu wanaagsanaa sannadka ee The Best FIFA Football Awards 2020.

Saddexda ciyaartoy ee Robert Lewandowski, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa noqday ciyaartoyda iskugu soo hadhay ee kama dambaysta ku tartamayay abaal-marintan.

Cristiano Ronaldo oo 31 gool u dhaliyey Juventus xili ciyaareedkii hore ayaa kula guuleystay horyaalka Serie A oo ay faro ciddidooda kaga qaadeen Inter Milan oo kusoo xigtay, laakiin Lionel Messi ayaa isaguna Barcelona usoo dhaliyey 25 gool iyo 21 caawimood balse kulama guuleysanin wax koobab ah.

Laacibka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa Bayern Munich la qaaday Champions League, Bundesliga iyo German Cup, isla markaana soo dhaliyey 55 gool oo dhamaan tartamada ahaa.

Lewandowski ayaa la rumaysnaa inuu noqonayo xiddiga sannadka ee hantiyi lahaa abaal-marintii la joojiyey sannadkan ee Ballon d’Or, laakiin waxa uu Ronaldo iyo Messi kula tartamay abaal-marinta  The Best FIFA Football Awards 2020.

Ronaldo ayaa ahaa xiddigii abaal-marinta The Best ku guuleystay sannadkii 2017kii, waxaase kala wareegay Luka Modric oo wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka, halka Lionel Messi uu 2019 hantiyey markii uu Barcelona ka caawiyey inay laba jeer oo isku xigta ku guuleysato horyaalka LaLiga.

Weeraryanahanka kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Poland ee Rober Lewandowski ayaa abaal-marinta FIFA The Best ku garaacay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, kaddib wacdarihii uu ka dhigay garoomada xili ciyaareedkii hore.

32 jirkan ayaa codadkii ugu badnaa ka helay kabtannada, tababareyaasha iyo wariyeyaasha u codaynayay xiddiga sannadka, waxaana uu si aad ah uga horreeyey labada ciyaartoy ee la tartamay ee Ronaldo iyo Messi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here