Seynisyahanno ka Tirsan WHO oo Dhawaan Booqanaya Magaaladii uu ka soo Bilowday Corona Virus.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Koox ka kooban 10 saynisyahanno caalami ah ayaa u safri doona magaalada Shiinaha ku taalla ee uu ka soo bilowday Covid-19, sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Beijing ayaa ka caga jiideysay inay oggolaato in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo waxayna qaadatay bilooyin badan oo wada xaajood ah si WHO loogu oggolaado inay tagaan magaalada.

Fayraska ayaa loo maleynayaa inuu ka soo bilowday suuq xayawaanka lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada.

Balse baaritaanka halka uu ka soo bilowday ayaa shaki abuurtay, gaar ahaanna Mareykanka ayaa su`aal geliyay.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa Shiinaha ku eedeeyay inuu isku dayay inuu qariyo bilowgii dillaacitaanka fayraska.

Mid ka mid ah khubarrada kooxda u safreysa Wuhan ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay in WHO aysan dooneyn inay eed dusha uga tuurto Shiinaha, balse ay dooneyso in laga hortago cudurrada dillaaci kara mustaqbalka.

“Ma aha xaqiiqdii in la helo dal eedeysan,” ayuu yiri Fabian Leendertz oo ka tirsan Machadka Robert Koch ee Jarmalka.

“Waa in la isku dayaa in la fahmo waxa dhacay kaddibna iyadoo xogtaas lagu saleynayo, waanu isku dayi karnaa yareynta khatarta mustqbalka.”

Dr Leendertz ayaa sheegay in ujeeddada ay tahay in la ogaado xilliga uu fayrasku bilaabay inuu faafo iyo haddii uu ka soo bilowday Wuhan iyo haddi kale.

Howlgalka ayaa lagu wadaa inuu qaato afar ilaa shan toddobaad, sida uu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here