Barcelona Oo Camp Nou Ku Garaacday Kooxdii Hogaamineysay Horyaalka La Liga Dalka Isbeyn.

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa gaartay guushii labaad ee isku xigta ee horyaalka La Liga iyadoo 2-1 kaga badiyay caawa kooxda Real Sociedad oo marti ku aheyd garoonka Camp Nou.

Kooxda Catalans ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay kooxdii hogaamineysay La Liga iyadoo Real Sociedad uu hogaanka u dhiibay Willian Jose laakiin goolal ay kala dhaliyeen Jordi Alba iyo Frenkie de Jong ayay Barcelona ku badisay.

Real Sociedad ayaa u soo dhacday kaalinta labaad inkastoo ay isku dhibco yihiin kooxda hogaanka heysa ee Atletico Madrid oo ay wadaagaan 26 dhibcood halka Barcelona ay soo gashay kaalinta 5aad iyagoo leh 20 dhibcood laakiin waxay ciyaareen labo kulan ka yar inta ay dheeshay Real Sociedad.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa daqiiqadii 8aad kooxda Barcelona ka dib kubad uu ka soo shaqeeyay Dest laakiin uu dhameystiri waayay Pedri.

Inkastoo Barcelona ay si fiican u ciyaareysay bilowgii ciyaarta hadana gool ayaa looga naxsaday daqiiqadii 28aad ka dib koorno si fiican looga soo shaqeeyay uu dhameystiray Willian Jose oo hogaanka u dhiibay Real Sociedad.

Laakiin muddo dheer kuma aysan qaadanin Barcelona inay barbareyso ciyaarta, Messi ayaa karoos soo dhigay xerada goolka daqiiqadii 31aad, waxaa damcay inuu baas celiyo Griezmann laakiin kubada waxay u leexatay dhanka Jordi Alba kaasoo kubada meel kore ka geliyay shabaqa.

Barcelona ayaa ku dhawaatay daqiiqadii 40aad inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Griezmann ayaa kubad lka garab maray Le Normand iyo Remiro laakiin xagasha ayaa ciriiri aheyd, wuxuuna garaacay birta.

Daqiiqadii 45aad ee ciyaarta Barcelona ayaa dhalisay goolkii ay hogaanka kula wareegeen markii kubad uu soo dhigay Jordi Alba uu dhameystiray Frenkie de Jong, goolka ayaa markii hore loo diiday inuu offside ahaa laakiin dib u eegis ay sameysay VAR waa la ansixiyay goolka iyadoo lagu kala nastay 2-1 oo ay Barca hogaanka ku heysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here