Askarta Sacuudiga oo lagu Eedeyay Ku Xad gudubka Boqolaal Soo Galooti ah.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sacuudiga waxaa ku xiran Boqolaal ruux oo sharci darro ku gashay balse ay soo qabteen Ciidamada ammaanka oo ugu dambeyn xabsiyada u geeyay si loo diyaariyo qorshaha dib ugu celinta dalalkooda.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ayaa sheegtay in Tahriibayaasha ay u badan yihiin Itoobiyaan, dhibaatooyinka ugu badan ee loo geysto waa in la jirdilo ama la garaaco.

Qaar kamid ah muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ayaa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha (HRW) u sheegay in bilihii ugu darnaa ay kala yihiin October & November oo xitaa ay dhinteen saddex ruux oo si xun loogu jirdilay qolalka cariiriga ah ee Xabsiga.

Warbixintaan Human Right Watch ay baahisay waxaa ka dhex muuqda liiska muwaadiniin Hindi ah oo dhawaan loo tarxiilay dalkooda, balse wadarta dadka xiran waxaa ka badan Itoobiyaanka oo lagu hayo qolol aad u yar.

Muuqaal ay duubeen Maxaabiista ayay u direen ehelkooda iyo warbaahinta, waxaana ka dhex muuqda xaalado aan wanaagsaneen oo dhinaca caafimaadka, daryeelka Maxaabiista & sida xad-dhaafka ah ay ugu xiran yihiin qolalka.

Qaarkood ayaa jiifta Shamiitada, maadaama sariirta loogu talagalay ka tiro bateen dadka, Biyaha Musqusha (Suuliga) ayay ka cabbaan, Qashinka ayaa yaalla meel aan ka fogeyn, iyada oo ay intaas usii dheer tahay tacadiga loo geysto.

Shaqaalaha Ajaanibta ah ee laf-dhabarta u ah Dhaqaalaha Dalalka Khaliijka waxaa lagu qiyaasay 12.6 Milyan oo Bulshada Sacuudiga oo ah 33.4 Milyan sida ku cad daraasad la sameeyay sanadkii 2018-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here