Real Madrid Oo Ku Biirtay Kooxaha Hogaaminaya La Liga Kadib guushii Xaly.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Goolal ka kala yimid Toni Kroos iyo Karim Benzema ayaa ka caawiyay Real Madrid inay 3-1 ku garaacdo Athletic Bilbao oo 10 xiddig ku ciyaareysay wixii ka danbeeyay daqiiqadii 13aad iyagoo marti ku ahaa garoonka Alfredo Di Stefano.

Casaan uu xilli hore qaatay raul Garcia ayaa xaalada ku adkeeyay kooxda reer Basque laakiin Ander Capa ayaa barbareeyay qeybtii labaad gool uu Real Madrid hogaanka ugu dhiibay Toni Kroos ka hor inta uusan Karim Benzema.

Athletic Bilbao ayaa ciyaarta si fiican ku bilaabatay iyadoo Inaki Williams uu fursad fiican u dhigay Oscar de Marcos laakiin daqiiqadii 13aad ayay ciyaarta isbedeshay markii Raul Garcia uu jaale labaad ku qaatay Toni Kroos isagoo ciyaarta laga saaray.

Markii Vinicius jaale lagu siin waayay istuuris uu ku dhex sameeyay xerada ganaaxa iyo markii ay Real Madrid ku dooday rigoore markii ay kubada si kama ah gacanta uga dhacday Capa, 10ka xiddig ee Athletic Bilabo ayaa bilaabay inay xanaaqaan. Laakiin waxay xanaaqooda u bedeleen difaacasho aad u sareysa.

20kii daqiiqo ee ku xigay waxay darbooyinka Real Madrid ku xadideen kaliya kubada dhaadheer oo ay soo tuureen Fade Valverde, Kroos iyo Vinicius iyo kubad madfax aheyd oo uu Sergio Ramos galay.

Dhamaadkii qeybta hore ayayse Real Madrid sarre u qaaday ciyaarteeda. Markii ugu horeysay Simon ayaa kubad gool loo fishay ka beeniyay Vinicius iyadoo xiddiga reer Brazil uu sidoo kale qasaariyay fursad fiican oo uu ka helay Valverde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here