Xiddiga Bayern Munich Ee Leon Goretzka Oo ka Hadlay Dalab Uu Ka Helay Liverpool.

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich ee Leon Goretzka ayaa shaaciyey in kooxda haysata horyaalka Premier League ee Liverpool ay soo dalbatay, isla markaana ay doonayeen inuu tago Anfield.

Leon Goretzka ayaa udub-dhexaad u ahaa guulihii ay Bayern Munich gaadhaysay sannadihii ugu dambeeyey, gaar ahaan Champions League oo ay xili ciyaareedkii hore ku garaacday PSG iyagoo dhexdana kusoo bahdilay Barcelona oo ay ku karbaasheen 8-2.

Xiddigan reer Germany ayaa dunida ka yaabsaday markii uu garoomada kusoo laabtay go’doonkii Korona Fayras kaddib, markaas oo uu fasax galay isagoo caato ah balse uu soo laabtay isagoo xoog badan oo muruqyo waaweyn leh.

Bayern Munich ayaa Leon Goretzka waxay kala soo wareegtay Schalke 04 iyadoo saxeexiisana ku garaacday Liverpool oo kula tartamaysay, waxaase u kala hiiliyey ciyaartoygan oo doortay inuu waddankiisa kasii ciyaaro halkii uu ka tegi lahaa Premier League.

25 jirkan oo sannadkii 2012 waayihiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda Bochum ayaa usii dhaafay Schalke oo lacag dhan 3 milyan oo Euro ku iibsatay, waxaana shan sannadood oo uu joogay uu u saftay 147 ciyaarood oo uu u dhaliyey 19 gool.

January 2018 ayuu Leon Goretzka shaaciyey go’aan ah inuu iskaga tegayo Schalke, waxaana uusi xor ah ugu biiray Bayern Munich xagaagii sannadkaas, waxaanu ka caawiyey inay hantaan siddeed koob muddadii gaabnayd ee uu joogay, waxaana koobabkaas ku jira laba horyaal oo Bundesliga ah iyo Champions League.

Isaga oo waraysi siinayay wargeyska The Athletic, waxa uu Leon Goretzka daboolka ka qaaday fursad uu ka helay Liverpool oo uu hormood u yahay Jurgen Klopp oo isku dayday inay la saxeexdaan, dalabna usoo gudbiyey ka hor intii aanu ku biirin Bayern Munich.

Leon Goretzka oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi: “Dabcan, Liverpool way i danaynayeen. Waa koox wanaagsan oo horumarkooduna cajiib ahaa tan iyo intii uu Klopp joogay. Dhamaantayo waanu u hanweynahay inuu kula guuleysto horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here