Uk oo Xayiraado Cusub Galeysa Si Looga Gaashaanta Faafidda Covid-19.  

0
136

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 16 bishaan December oo ku beegan arbacada waxaa qeybo ka mid dalka UK oo ay ku jirto magaalada caasumada ee London

ka dhaqan galaya xayiraad cusub oo looga gaashaamanayo cudurka karoonaha oo dadka tarab tarab u soo ridanaya.

Isbuucii ugu danbeeyay oo kaliya waxaa xanuunka karoona UK ugu dhintay 2,984 qof halka uu haleelay 131,708 qof.

Xayiraadan cusub ayaa saameyn doonta goobaha dadku ku kulmaan sida maqaayadaha iyo meelaha lagu caweeyo.

Waxaa sidoo kale la xiri doonaa tukaamada aan iibin waxyaabaha daruuriga ah .

Guud ahaan UK waxaa cudurka Karoona ugu dhintay 64,170 qof waxaana uu ku dhacay 1.85 malyuun oo qof .

Waxaa isbuucii hore UK laga bilaabay talaalka feyraska karoonaha

balse waxa ay saraakiisha caafimaadka sheegeen in talaalku si tartiib ah ku socdo

halka faafinta cudurkana ay sii xoogeysaneyso loona baahan yahay in la hakiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here