Joe Biden oo Sheegay in Rabitaankii shacabka Mareynka uu Guuleystay.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) Joe Biden  madaxwaynaha la doortay ee Mareykanaka ayaa sheegay “in rabitaankii shacabka  uu meel maray  ” ka dib markii  guushii uu  doorashada  ka gaaray  lagu ansixiyay  nidaamka  ergada  ee loo  yaqaano  (electoral college).

Khudbad  uu  jeediyay  ka dib  markii  go’aankani  lagu  dhawaaqay , waxaa uu sheegay in  dimuqraadiyadda  Mareykanka  “halis ” la galiyay  islamarkana  “ay cadaatay adkeysiga  iyo awoodda  dimuqraadiyadda”

.Ansixintan  ayaa ah tallaabadii  ugu  dambeysay  ee  looga  baahnaa  Mr Biden si uu xafiiska ula wareego 20-ka bisha Janaayo.

Madaxwayne  Donald Trump  imika  loogama baahna  xitaa in uu aqbalo natiijada. Xisbiga  Dimuqraadiga  ayaa  doorashadii  November  waxay  ku guuleysteen 306 ergo amaba  (electoral college)  halka  Jamhuuriyiinta ay heleen 232.

Ansixinta  ayaa ahayd in mar hore ay dhacdo , balse kiisas uu maxkamadaha geeyay madaxwayne  Trump  ayaa  dib  loogu  dhigay .G eedi socodka  codeynt a ayaa loo diri doonaa  Washington DC  islamarkana  ugu dambeyntii  dib loogu tirin doonaa  kulan ay goobjoog  ka yihiiin  Congreska 6-da January  islamarkana  waxaa  goobjoog  ka noqon doona  madaxwayne ku xigeenka Mike Pence.

Waxay arrintani waddada u xaareysaa in Joe Biden loo dhaariyo in uu madaxwayne noqdo 20-ka January.

Mr Biden ayaa waxaa lagu wadaa in Isniinta soo socota uu shacabka Mareykanka khudbad u jeediyo islamarkana uu faahfaahin ka bixiyo qorshaha xukuumadiisa.

Bishii aanu soo dhaafnay, Mr Trump waxaa uu sheegay in xafiiska uu baneyn doono bishia January haddii ergada gobolada ay ansixiyaan in uu doorashada ku guuleystay Mr Biden.

Balse waxaa uu wali Mr Trump sii wadaa eedeeyntiisa aan cadeynta loo hayn ee ah in dooarshada looga shubtay islamarkana ma jirto calaamad muujinaysa in uu qiranayo in doorashada looga adkaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here