Reysal Wasaare Abiy oo Booqashadii koobaad ku Tagaya Caasimadda Gobolka Tigre.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagay caasimadda gobolka Tigrey ee Mekele tan iyo intii uu amray howgalkii militari ee ka dhanka ahaa gobolkaasi.

Abiy Ahmed ayaa ka qeyb galay kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan golaha cusub ee loo dhisay in ay gobolkaasi hogaamiyaan.

Dhanka kale waxaa uu rai’sul wasaaraha Itoobiya kulan la qaatay dhigiisa dalka Sudan Cabdalla Xamdok.

Sargaal u hadlay xukumadda Sudan ayaa sheegay in Mr Xamduuk uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac ee itoobiya isku haya.

Balse bayaan uu soo saaray My Abiy laguma xusin in dhexdhexaadin ay jirto.

Mr Abiy ayaa bayaankiisa ku sheegay in wefdiga Sudan ay taageereen tallaabadii militari ee ay dowladda dhexe ka qaaday gobolka Tigrey ee ku yaalla waqooyiga Itoobiya.

Dalka Sudan ayaa waxaa u qaxay 50,000 oo ah qaxootiga ka barakacay dagaalka gobolka Tigrey.

Horraantii bishii November ayay ahayd markii duulaan uu amray rai’sul wasaare Abiy lagu qaaday gobolka Tigrey.

Guddiga fulinta ee deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa bishii September sheegay in go’aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasha ka dhacda deegaankaasi uu ula mid yahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here