Ganacsatada Qudaarta ee Magaalada Jowhar oo Kahadlay Is badal ku yimid Qiimaha Qudaar.  

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhaq dhaqaaqyada  Ganacsi ee  Suuqyada  lagu iibiyo qudaarta  ee Magaalada  Jowhar  ayaa  waxaa  saameyn ku yeeshay  fatahadaha wabiga  shabeelle iyo Roobabkii  Lixaadka lahaa ka da’ayey  Deegaanada Gobolkani  Shabeellaha  Dhexe  oo is  biirsaday  islamrkana hoos  udhigay wax soosaarkii  beeraha.

Qaarka  mid ah  haweenka  iibiya  qudaarta ee  Magaalada  Jowhar  ayaa  Sheegay in Beeraleyda  ay ka iibsadaan  qudaarta  kuwaas oo  laga  keeno  tuulooyinka qaar  ee  Jowhar  hoosyimaada  waxa  ayna  intaasi  kudareen  in  qiimaha  la iibinayey  qudaarta uu ahaa  Sareeya  Balse  Hadda  Isbadal  Ladareemayo.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cabdicasiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here