Maxkamadda Dastuuriga Austria oo Burisay Xeer Lid ku ah Muslimiinta Dalkaasi.

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamadda dastuuriga ah ee Austria ayaa burisay xeer caruurta dugsiyada hoose dhigata ka mamnuucayey in ay madaxa ku xidhaan dhar muujinaya astaan diineed oo gaar ah.

Waxaanay maxkamaddu sheegtay in xeerkani toos u beegsanayo xijaabka, xad gudubna ku yahay xuquuqda xorriyada diinta.

Xeerkan waxa la soo saaray markii ay dalka taladiisa haysay xukuumaddii wadaagga ahayd ee hore oo ay isbahaysi ku ahaayeen xisbiga Shacabka ee muxaafidka ah iyo xisbiga Xorriyadda ee midigta fog ee xag jirka ah.

Waxay maxkamaddu sheegtay in xeerkani keenayo in la takooro hablaha Muslimiinta ah.

Sidoo kale waxay maxkamaddu ganafka ku dhufatay oo diiday doodda ah in xeerkaasi ka ilaalinayo hablaha Muslimiinta ah culays bulsho iyo in ay ardayda ay wax wada dhigtaa takooraan, waxaanay sheegtay in xeerkaasi dad aan eed lahayn ciqaabayo.

Waxay sheegtay hadii arintaasi lagama maarmaan noqoto, waxa waajib ka saaran yahay dawladda in ay dejiso xeerar ka hor tagaya in qofka lagu takooro jinsigigiisa ama diintiisa.

Xeerkan oo dhaqan galay sannadkii hore ayaan si toos ah u qeexin inuu mamnuucayo xijaabka laakiin wuxuu mamnuucay in la xidho “dhar muujinaya astaan diineed oo ay ka mid yihiin in madaxa la qariyo” oo loo geliyo caruurta toban jirka ka yar.

Xukuumaddii waagaasi waxay sheegtay in waxyaabaha madaxa lagu xidho ee ay xidhaan caruurta lab ee Siingasiingaha iyo Yuhuuddu aanu xeerkaasi saamaynayn.

Waxay se maxkamaddu sheegtay in xeerkaasi toos u beegsanayey xijaabka Muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here