Maamulka Kooxda Istanbuul Basaksehir oo ka Hadlay Falkii lagu Cunsuriyeeyay Tababarahooda labaad.

0
154

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kaaliyaha tababaraha kooxda Istanbul Basaksehir, ee waddanka Turkiga, Pierre Webo, ayaa sheegay in 8-dii bishan Diseembar ee 2020, ay noqon doonto maalin muhiim u ah taariikhda kubadda cagta marka ay timaado la dagaalanka midab-kala-sooca.

Ciyaartoyda Basaksehir iyo Paris St-Germain ayaa isaga baxay garoonka intii ay socotay ciyaar ka tirsaneyd koobka Champions League-ga, oo Talaadadii ka dhacday magaalada Paris, ka dib markii garsooraha afraad ee ciyaarta lagu eedeeyay in Webo uu ugu yeeray midabka jirkiisa.

Webo, oo 38 sano jir ah, ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen “kuwii ugu adkaa” ee xirfaddiisa soo mara.

Waxa uu intaasi ku daray in habeenkii dhacdadaas uu la xiriiray dhakhtar si uu uga caawiyo inuu hurdo.

Ciyaaryahankii hore ee xulka Cameroon, Webo, waxa uu garsooraha afraad, Sebastian Coltescu, ku eedeeyay inuu yasay kaddib markii uu midabkiisa ugu yeeray, halkii uu magaciisa ugu yeeri lahaa.

Waxa uu BBC Sport u sheegay: “Aragtidayda, 8-dii bishan Diseembar, waxbaa ka horreeyay, waxbaana ka dambayn doona. Marka waa la xusuusan doonaa.”

Ciyaarta, oo laga baxay iyadoo maraysa 14 daqiiqo waxay ahayd 0-0. Waxaase dib loo bilaabay Arbacadii markaas oo ay garsoorayaal ka noqdeen koox cusub.

Ciyaartoyda labada kooxood iyo saraakiishuba, intii ciyaarta la isu diyaarinayay, waxa ay soo xirteen fanaanado lagu soo xardhay ‘aan diidno midab-kala-sooca’, iyadoo boodh looga soo horjeeday midab-kala-sooca lagu dhejiyay goobta. Ciyaaryahannada ayaa bartamaha garoonka jilbaha dhigtay ka hor inta aanan ciyaarta la billaabin.

Webo oo markii ay arrintaas dhacday kaarka cas loo taagay, waxaa loo ogolaaday inuu ciyaarta ka qeybqaato, iyadoo la hakiyay karkii casaa ee loo taagay, xilli UEFA ay baarayso arrinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here