Kooxda Kugabadda Gacta Chelsea Oo Xalay Dharbaaxo Kala Kulantay Dhigeeda Everton.

0
176

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa guuldarro xanuun badan ay ka soo gaartay Everton kuwaasoo ku garaacay gool iyo waxba ciyaar xiiso badneyd oo ka dhacday garoonka Goodison Park islamarkaana ay u daawasho tageen labo kun taageerayaal ah.

Gool rigoore ah oo uu Sigurrdson dhaliyay islamarkaana uu keenay goolhayaha Blues Mendy ayay Everton ku garaacday Chelsea.

Blues ayaa laga soo gabagabeeyay sagaal kulan oo isku xigta oo aan laga badinin horyaalka iyadoo la dhaawacay rajadooda xilli ciyaareedkan ee hanashada horyaalka. Chelsea waxay weli ku jirtaa kaalinta 3aad iyagoo leh 22 dhibcood waxay labo dhibcood ka danbeeyaan Tottenham iyo Liverpool kuwaasoo kulamadooda ciyaaraya berri.

SHAXDA AY LABADA KOOXOOD KU SOO GALEEN:

Everton: Pickford, Holgate, Mina, Keane, Godfrey, Doucoure, Allan, Sigurdsson, Iwobi, Calvert-Lewin, Richarlison.

Keyd: Kenny, Tosun, Bernard, Andre Gomes, Gordon, Davies, Olsen.

Chelsea: Mendy, James, Zouma, Thiago Silva, Chilwell, Kante, Kovacic, Havertz, Mount, Werner, Giroud.

Keyd: Arrizabalaga, Rudiger, Jorginho, Abraham, Gilmour, Azpilicueta, Anjorin.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay kooxda martida loo ahaa ee Everton iyadoo Mendy uu kubad ka badbaadiyay Richalison daqiiqadii 7aad.

Goolhayaha Chelsea Mendy ayaa rigoore laga dhigay daqiiqadii 21aad ee ciyaarta ka dib kubad dheer uu soo tuuray goolhayaha Everton Pickford waxaa xerada ganaaxa ku qabsaday Calvert-Lewin laakiin waxaa u awood sheegtay goolhaye Mendy taasoo keentay in garsooraha uu tilmaamo rigoore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here