Man united oo Shaacisay Xilliga ay Shaqada ka Ceyrineyso Ole Gunnar.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kulanka Manchester Derby ee Sabtida wuxuu noqon doonaa mid go’aamiya mustaqbalka tababare Ole Gunnar Solskjaer, isla markaana ay suurtogal tahay inuu soo dedejiyo in shaqada laga caydhiyo.

Red Devils ayaa garoonkeeda Old Trafford ku qaabili doonta Manchester City, waxaanay ciyaartani kusoo hagaagaysaa waqti ay kasoo hadheen tartanka Champions League, sidoo kalena ay horyaalka Premier League ka maqan yihiin afarta boos ee ugu sarreeya inkasta oo ay ciyaarihii ugu dambeeyey natiijooyin wanaagsan ka keenayeen.

Manchester United oo xilli horeba la filayay inay usoo baxayso wareegga 16ka tartanka Champions League kaddib lix dhibcood oo ay ka heshay PSG iyo RB Leipzig, waxa si lama filaan ah guul-darrooyin ugu xambaarisay Istanbul Basaksehir, waxaana ugu sii xigay PSG iyo RB Leipzig oo iyaguna ka aargoostay, taas oo soo afjartay rajadoodii ahayd inay kasoo baxaan Groups-ka.

Natiijadani waxay culayska kusoo celisay Ole Gunnar Solskjaer oo toddobaadkan bilaabmaya ay suurtogal tahay inuu soo dhamaado waqtigiisii tababarenimo ee Manchester United.

Halyeygii Manchester United ee Teddy Sheringham ayaa sheegay in tababare Solskjaer shaqada laga eryi doono kaddib ciyaarta Manchester City ee Sabtida haddii uu soo hooyo guul-darro kale, waxaanu yidhi: “Natiijadani waxay cadaadis badan saaraysaa Solskjaer, waxaana jira warar la isla dhex marayo oo ku saabsan Pochettino inuu sugayo booskiisa, ayna u dhamaanayso haddii uu ku fashilmay inay baxaan wareegyada dambe ee Champions League.

“Cadaadisku wuu sii kordhi doonaa mar kale haddii ay guulo ka keeni waayaan kulamada horyaalka ee toddobaadyada soo socda. Ole waa qof la jecel yahay, mana doonayo inay sidaasi ku dhacdo, waxaanan aad u rajaynayaa inuu shaqadiisa sii haysan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here