Israa’iil iyo Morocco oo ku heshiiyay soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed.

0
166

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Morocco ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay oo ka tirsan Jaamacadda Carabta isla markaana ogolaada inuu xiriir diblomaasiyadeed la yeesho Israa’iil waxaana heshiiskaan gar wadeen ka ah dowladda Mareykanka.

Qeyb ka mid ah heshiiska, Mareykanka wuxuu ogolaaday inuu aqoonsado sheegashada Morocco ee ku saabsan gobolka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed.

Waa dhulka ay isku hayaan Morocco iyo Jabhadda Polisario oo ay Aljeeriya taageerto, oo doonaysay inay samaysato dowlad madax bannaan. Morocco waa dalkii afraad ee heshiis noocan ah la sameeya Israel tan iyo bishii Ogoosto. Sidoo kale Israa’iil ayaa heshiisyo dhowaan la’gashay dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Suudaan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiskan ku shaaciyay bartiisa Tuwiitter-ka Khamiistii waxaana uu yiri. “Guul kale oo taariikhi ah maanta! Labadeenna Saaxiib ee waaweyn ee Israel iyo Boqortooyada Morocco waxay ku heshiiyeen xiriir buuxa oo diblomaasiyadeed – horumar ballaaran oo nabadeed oo laga gaaray Bariga Dhexe!” .

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mr Trump iyo Boqorka Morocco Boqor Maxammedka lixaad ay isku raaceen in Morocco ay “dib u bilaabi doonto xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Morocco iyo Israel ayna balaarin doonto iskaashiga dhaqaale iyo dhaqan si loo hormariyo xasiloonida gobolka”.

Heshiiska waxaa ka mid ah in dib loo furo xafiisyada xiriirinta ee Tel Aviv iyo Rabaat, iyo ugu dambeyn furitaanka safaaradaha. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Morocco ay aqbali doonto in diyaaradaha Israel ay hawadeeda maraan isla markaana duulimaad toos ah ku tagaan isla Israel.

Raysal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu wuxuu bogaadiyay heshiiska “taarikhiga ah”.

Khudbad uu ka jeediyay telefishinka, wuxuu u mahadceliyay boqorka Morocco wuxuuna sheegay in dadka Israa’iil iyo Morocco ay leeyihiin “xiriir wanaagsan wakhtigaan casriga ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here