Dowladda Federaalka Itoobiya oo Deeq Raashiin ah u Dirtay Gobolka Tigre.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dawladda Federaalka ah ee Itoobiya ay wado  dadaalo ay  gurmad ugu  sameyneyso  dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Tigrey.

Xafiiska  Ra’iisul wasaaraha  dalka   Itoobiy Abiy Ahmed  ayaa  waxaa la  sheegay  in uu qorsheeyay  in ilaa  30 gaari  oo ay  saran yihiin  Raashin  mucaawino  ah  ay ku wajahan  tahay  gobolka  Tigrey , ee ay dhawaan  dawladda  Itoobiya  kala soo wareegtay TPLF.

Waxaa  sidoo  kale  jira  deeq  daawo ah oo ay dawladdu ugu talo gashay in la geeyo  gobolkaasi,  waxaana  ay saara yihiin ilaa tiro Saddex ah,sida ay sheegayaan  ilo wareedyo laga helay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Deeqdan  ayaa  waxa ay si gaar ah u tagi doontaa magaalada Makhalla  ee caasimada u ah gobolka  Tigrey,  maalinta  berri oo Sabti ah  ayaa lagu wadaa in Raashinkaan  la qabiyo.

Dhanka kale,  dawladda  Itoobiya  ayaa  iska  diiday  eed loo soo jeediyay, taas oo ku saabsan in ay ishortaagtay,  shaqaale  gar gaar  oo ka tirsan Qaramada Midoobey.

Sidoo kale  toddobaadkan  gudihiisa,  ayaa  Qaramada  Midoobey  waxa ay ku eedaysay  dawladda  Itoobiya in ay  dhibaatooyin  kala  duwan  u gaysataya  qaar ka tirsan  shaqaalaheeda,  iyadoo  sheegtay  in dil  iyo  xarig  isugu  dartay,  inkasta oo dawladda  Itoobiya  ay diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here