Hirshabeelle oo War Kasoo Saartay Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee Soomaaliya.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sii haayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeeelle  Maxamed  Cabdiraxmaan  Kheyre oo Maanta Warbaahinta lahadlay ayaa Sheegay in Hirshabeelle ay u Diyaar Garowday Sugidda Amniga Goobaha ay ka Dhaceyso Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo Dhawaan la Rajeynayo in guud ahaan Dalka ay Ka Qabsoonto.

Waxa uu Wasiirku Sheegay in Masuuliyadda Amniga Goobaha ay Doorashada ka Dhaceyso la Wareegi doonaan Ciidamada Booliska Hirshabeelle oo Si Gaar ah loogu Carbiyay Howlaha Doorashada.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cusmaan Cabdalle Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here