Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Deegaano ka tirsan Gobolkani Shabeellaha Dhexe waxaa ku yar Adeegyada Aas aasiga u ah bulshada sida Caafimaadka,Waxbarshada iyo Ceelal biyo Nadiif ah leh Waxaana ay xaaladahaasi sabab u noqdeen in dadka ay u Soo safraan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.
Dhibaatooyinka ugu Badan Waxaa Dhaxla Haweenka uurka leh oo Xilliga Foosha ku Dhibtooda Deegaanada ay ku Noolyihiin Maadaama aysan Heli Karin Xarun Caafimaad oo ay ka Helaan Dawooyin Waxaana mararka Qaar Dhacda in Haweenka ay Dhiig Bax u Geeriyooda inta aysan Soo Gaarin Xarumaha Caafimaad ee Magaalada Jowhar Sida ay Radio Isnaay u Xaqiijisay Madiina Muudey Xaaji oo Umuliso Dhaqameed ka ah Tuulada Jowhar Soomaali.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.