Manchester United Oo Xalay Laga Reebay Champions League iyo Kulamadii Xalay la Ciyaaray.

0
217

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa ka hadhay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, kaddib markii ay kooxda reer Germany ee RB Leipzig ay kaga badisay 3-2.

Manchester United ayaa lagala hormaray saddex gool oo daran-doorri ah, waxaase ay dagaallantay tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey oo ay Bruno Fernandes iyo Paul Pogba u dhaliyeen laba gool oo aan waxba tarin, balse laba daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen.

RB Liepzing ayaa daqiiqaddii 2aad ee ciyaarta dhashatay goolka koowaad, waxaana u saxeexay Angelino oo kubbad loo soo tuuray ka hoos saaray David De Gea.

Haidara oo garab ka helayay Angelino ayaa saxeexay goolka labaad ee RB Liepzig, mid saddexaadna waxa ku daray Justin Kluivert oo beddel kusoo galay.

Daqiiqaddii 80aad ayuu Bruno Fernandes gool u dhaliyey Manchester United, waxaana laba daqiiqadood kaddib gool kale raaciyey Paul Pogba.

RB Leipzig iyo PSG ayaa kasoo baxay Group H, iyadoo waliba ay kooxda reer France ee Paris ciyaarteeda lagu hakiyey waqtigii nasashada kaddib cunsurnimo uu garsooraha afraad ee ciyaartu kula kacay tababare ku-xigeenka kooxda Istanbul Basaksehir, taas oo keentay inay ciyaartoydu garoonka ka dareeraan.

Manchester United ayaa waxay ka ciyaari doontaa tartanka Europa League xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah iyadoo xili ciyaareedkii horena semi-finalka timid oo ay Sevilla ku garaacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here