Juventus Oo Barcelona Ku Ciqaabtay Garoonka Camp Nou iyo Ronaldo Oo Laba gool Dhaliyay Xalay.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa 3-0 karbaashtay Barcelona, waxaanay kusoo baxday kaalinta koowaad ee Group G.

Cristiano Ronaldo ayaa ku dhex-damaashaaday garoonka Camp Nou ee ay Barcelona iska leedahay, waxaanu laacibka reer Portugal hadba dhinac u qoslayey iyadoo uu murugaysan yahay Lionel Messi oo uu wajiga hoos u foorarinayo.

Juventus ayaa goolka koowaad oo rikoodhe ahaa waxa u dhaliyey Cristiano Ronaldo daqiiqaddii 13aad ee bilowgii ciyaarta, waxaana mid labaad ku daray Weston McKennie ka hor intii aanu Ronaldo dhalinin goolka saddexaad oo isaguna ahaa rikoodhe.

Juventus ayaa heshay gool kale oo afraad oo VAR ay meesha ka saartay markii la xaqiijiyey in Cristiano Ronaldo iyo Bonucci ay ku jireen offside.

Barcelona oo qaybtii hore kala-daadsanayd ayaa xoogaa isasoo canaanatay qaybta dambe, balse waxa shaqadoodu ay ku koobnayd Lionel Messi oo isagana culays gaar ahi uu ku dhacayay.

Fursado dhawr ah oo ay sameeyeen ayaanay u suurtogelin inay gool u beddelaan, waxaana hor taagnaa goolhaye Buffon oo khibraddiisa uga faa’iidaystay inuu badbaadiyo kubbadihii lagu toogtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here