Wacdaraha Mesi iyo Ronaaldo Dunida Oo Xifaaltankii Ay U Xiistay Caawa Daawanaysa.

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona oo isha ku haysa inay booska 1-aad kaga dhammaysato Group G ayaa caawa soo dhawaynaysa dhigeeda Juventus kulan xiiso badan walow ay labada dhinacba wareega xiga ee 16-ka u gudbeen.

Qaab ciyaareedka Barcelona ee xilli ciyaareedkan ee Champions League ayaa ahaa mid cajiib ah iyagoo soo guuleystay dhammaan 5-tii kulan ee ay ciyaareen kuna soo adkaaday tiro guud ahaan 16-2 ah.

Qaabka kaliya ee ay Juventus booska 1-aad kaga qaadi karto Juventus ayaa ah haddii ay kaga badiso wax ka badan 2-0 amaba ay kaga adkaato farqi 2 gool ah balse aan 2-0 ahayn sida 4-2 ama 3-1.

Xogta Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Barcelona ayaa dhawaan xaqiijisay dhaawaca Ousmane Dembele kaddib kulankii Cadiz ee La Liga taas oo xaqiijinaysa inuu maqnaan doono kulankan.

Dembele ayaa miiska daawaynta kula biiraya Ansu Fati, Gerard Pique, Sergi Roberto iyo Samuel Umtiti oo la filayo inuu markale maqnaan doono.

Marka laga yimaado inay xilli horeba booskooda 16-ka xorraysteen, Ronald Koeman ayaa la filayaa inuu shax adag oo ay ku jiraan Lionel Messi, Antoine Greizmann iyo Philippe Coutinho soo xulan doono.

Pedri iyo Miralem Pjanic ayaa kusoo laaban kara shaxda Barca, Araujo ayaa booska kala bixi kara Mingueza kaddib markii uu dhaawac kasoo kabtay.

XOGTA KULANKAN

Tartanka: Champions League

Garoonka; Camp Nou

Wakhtiga; 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here