Talaalka Xanuunka Karoona Fayris oo loo Qeybiyay Isbitaalada Dalka UK.

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qeybtii ugu horeysay ee daawada  Pfizer/BioNTech oo ah  talaalka  xanuunka  karoonaha  ayaa la gaarsiiyay qaar ka mid ah isbitaalada iyo goobaha caafimaadka ee UK.

Ilaa 50 meel oo laga  bilaabi  doono  wajiga  koowaad ee talaalka ayaa la geeyay sanduuqyo  qaboojiyaal

ah oo talaalka uu ku jiro.

Maalinka talaadada ayaa saraakiisha  caafimaadku sheegeen in uu talaalka si rasmi ah u bilaabanayo.

Dadka ugu horeeya ee la talaalayo ayaa ah shaqaalaha caafimaadka , dadka 80 sano ka weyn iyo dadka ku sugan goobaha dadka da,da ah lagu xanaaneeyo.

UK waxay  dalbatay  talaal ku filan 40 malyuun oo qof waana dalkii ugu horeeyay aduunka  ee  talaalka karoonaha  ansixiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here