Taageereyaasha Kooxda Arsenal oo ka Carooday Ficilkii Mikel Arteta.

0
139

Jowhar  – ( Radio Isnaay ) – Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa rumaysan int ababare Mikel Arteta uu garoonka ku qasbay Thomas Partey oo uu ciyaarta kusoo celiyey isaga oo dhaawac ah, si uu u difaaco goolkii labaad ee uu ka dhaliyey Harry Kane.

Partey oo kasoo laabtay dhaawac ayaa ku dhex dhibaatooday garoonka, waxaana uu damcay inuu baxo iyadoo ay ciyaartu maraysay 1-0, laakiin Mikel Arteta ayaa kusoo celiyey garoonka si uu ugu sii jiro, khaasatan inuu difaaco kubaddii uu dhalinayay Harry Kane oo timid waqti uu laacibkani kasoo noqonayay laynka garoonka ee laga baxo.

Sawirrada Thomas Partey ee uu dhabarka kasoo riixayay Mikel Arteta si uu garoonka hore ugu soo galo oo uu iskugu dayo inuu joojiyo weerarkii Tottenham ay ciyaarta ku labaysay.

Barta Witter-ka ayay taageereyaashu kaga falceliyeen, waxaanay intooda badan isku raacsanaayeen cadho ay u muujinayeen tababare Mikel Arteta oo ay u muuqatay inuu ku qasbayo 27 jirkan inuu garoonka ku noqdo xilli uu dareemayay inuu dhaawacan yahay oo aanu ciyaarta sii wadan karaynin.

Partey ayaa orod kusoo galay, waxaanu isku dayay inuu joojiyo Harry Kane ka hor intii aanu goolka dhalin.

Xilli ay dabbaal-degga goolka labaad ku jirto Tottenham ayuu Thomas Partey garoonka iskaga baxay, waxaana lagu beddelay Dani Ceballos.

Xiddiga reer Ghana ayaa kasoo laabtay dhaawac kulankan waxaana uu tababare Mikel Arteta qaatay go’aan qaldanaa oo uu ugu soo bilaabay ciyaarta xilli ay ahayd inuu waqti dambe keeno.

Arsenal ayaa fadhida kaalinta 15aad ee miiska-kala sarraynta horyaalka Premier League, waxaana ay u degi kartaa kaalinta 16aad haddii ay Brighton guul kasoo hoyso ciyaarta ay Isniinta berri ku waajahayso Southampton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here