Liverpool Oo Xasuuq Daran Xalay u Geysatay Kooxda Wolves.

0
148

 Jowhar  – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa figta ugu sarraysa ee horyaalka Premier League ku qabsatay Tottenham, kaddib guul weyn oo ay ka gaadhay Wolves oo ugu timid Anfield.

Reds ayaa farxadda kula qaybsatay taageereyaasheeda kusoo laabtay garoomada, waxaanay kaga farxiyeen nus-dersin goolal ah oo ay xiddigaheedu si hawl-yaraan ah ugu shubayeen goolka Wolves oo aanay ku jirin tamartii iyo awooddii looga bartay.

Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu yeelatay 24 dhibcood oo ay horyaalka ku wada hoggaaminayaan Tottenham, waxaana gool dhalinta u furay Mohamed Salah, waxaanu goolkaasi noqday midka kaliya ee qaybtii hore ee ciyaarta dhashay.

Qaybtii labaad ayuu Georginio Wijnaldum hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa Liverpool, waxaana mid saddexaad raaciyey Joel Matip iyo Sadio Mane oo shabaqa ku leexiyey kubbad uu dhinaca midig kasoo dhiibay Trent Alexander-Arnold oo beddel kusoo galay kaddib dhaawac uu muddo bil ah ku maqnaa.

Shaxdii labada kooxood

WOLVES (4-3-3): Rui Patricio; Nelson Semedo, Conor Coady (c), Willy Boly, Marcal; Joao Moutinho, Ruben Neves, Leander Dendoncker; Adama Traore, Daniel Podence, Pedro Neto.

Kaydka: John Ruddy, Vitinha, Rayan Ait Nouri, Maximilian Kilman, Ki-Jana Hoever, Romain Saiss, Fabio Silva.

LIVERPOOL (4-3-3): Caoimhin Kelleher; Neco Williams, Joel Matip, Fabinho, Andrew Robertson; Curtis Jones, Jordan Henderson (c), Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: Nathaniel Phillips, Takumi Minamino, Naby Keita, Konstantinos Tsimikas, Diogo Jota, Adrian, Trent Alexander-Arnold.

Jurgen Klopp oo ay u ahayd habeen uga duwan habeennada kale ayaa garoonka Anfield jawi wanaagsan kula wadaagay taageereyaal tiradoodu ahayd 2,000 qof

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here