Fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo Saameeyay Ganacsatada Yaryar ee Magaalada Jowhar.  

0
131

Jowhar  – ( Radio Isnaay ) – Mar uu Idacadda Isnay la hadlayay gudoomiyaha Rugta ganacsiga Gobolka Shabellaha Dhexe Ceydiid Maxamed Cabdulle ayaa Sheegay in Shirkadahii ganacsi ee imaan jiray Magaalada Jowhar uu Hakad ku yimid ka dib Fatahaadahii Wabiga Shabeelle ee Kala Xiray Waddaada u Dhaxeysa Jowhar iyo Muqdisho.

Saameynta ugu Badan ee Fatahaadaha Waxa Dhaxlay Ganacsatada yaryar ee Magaalada jowhar iyadoo Shirkadaha iyo Hey’adaha Maalgaliya Ganacsatada yaryar ay Hadda U Weecdeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa :- Xaliima Cali Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here