Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa magaalada Muqdisho ku qabaneysa
Maanta oo ay taariikhdu tahay 6 illaaa 7 December shirkii ugu horreeyay ee shaqada.
Madasha ayaa isku keeni doonta dhammaan dhinacyada ay quseyso oo ay ugu horreeyaan ganacsatada,hay’adaha caalamiga ah,dowlad goboleedyada iyo qeybaha bulshada.
Muddada labada maalin ah oo shirku socdo ayaa lagu falanqeyn doonaa wax ka qabashada
shaqo la’aanta, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadan doonto dowrkeeda hoggaamineed ee wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyarada.