Qaramada Midoobe oo Sheegtay in uu Daahay Gargaarka Gobolka Tigrey ee Dalka Itoobiya.

0
118

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dagaalka ka soconayaa qeyba badan oo ka mid ah gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya ayaa waxa uu carqaladaynayaa dedaallada gargaarka halkaas lagu gaarsiinayo, Qaramada Midoobay ayaa sidaas sheegtay.

Malaayiin qof ayaa sheegay inay haysato gabaabsi dhinaca cunnada iyo dawooyinka ah.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa AFP u sheegay in illaa maalintii Jimcaha aanay helin meel ay maraan, walow la gaaray heshiis ogolaanaya “inaan la hor istaagin” gargaarka bini’aadamnimo ee la gaynayo deegaannada ay dowladdu maamusho.

Milateriga ayaa bilowgii todobaadkii hore galay caasimadda gobolka Tigray Mekelle, waxaana ay sheegeen in dagaalka mudada bisha ah ciidammada dowladda kala dhaxeeyay kooxda TPLF la soo gabagabeeyay.

Wasiirka Itoobiya u qaabilsan dimuqraadiyadaynta, Zadig Abraha, ayaa arrintaas gaashaanka u daruuray oo waxa uu sheegay in “dagaal uusan jirin”.

Saviano Abreu oo ah afhayeen u hadlay xafiiska bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay: “Waxaanu haynaa warar sheegaya in wali qeybo badan oo ka tirsan gobolkaasi Tigreeda uu ka socdo dagaal. Arrintaasi waa mid walaaceeda leh, waana xaalad aad noogu adag.”

Arbacadii dhaweyd ayaa Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay heshiis la gashay dowladda Itoobiya, kaa oo looga gol-lahaa in gargaar lagu gaarsiiyo deegaannada gobolka Tigreeda ee ay dowladda maamusho.

Balse saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa wakaaladda wararka ee AFP waxay u sheegeen in ilaa usbuuca dambe aan la fileyn in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo deegaannadaasi Tigreeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here