Olole lagu Taageerayo Beeraleyda uu Saameyay Covid-19 oo ka Bilowday Dalka Uk.

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Baaq kasoo baxay ciyaaryahanka caanka ah ee Ingiriiska Marcus Rashford ayaa waxaa durba biloowday in ay dadka ka jawaabaan.

Ciyaaryahanka ayaan ku baaqay in beeralayda xoolo dhaqatada ah ay ku yaboohaan neef ari ah midkiiba, si xoolahaas loogu deeqo dadka beeralayda ah ee waxyeelada dhaqaale ay kasoo gaartay safmarka Karona.

Qof kasta oo beeralay ah ayaa suuqa geynaya neef ari cad ah ama wan, iyada oo lacagta kasoo baxda loogu deeqayo dadka tabaalaysan.

Mr Iwan Pughe Johnes ayaa ka mid ahaa dadka ka jawaabay baaqa ciyaaryahanka, wuxuu shir ay beeralayda lahaayeen ka sheegay fikradda arri bixinta.

Fikradda Rashford ayaa ahayd in aysan jirin ilmo cunto la’aan ay ku dhacdo inta iskuulaadka xiranyihiin.

Marka ay jiraan xilliyada xun, waxaan leenahay taariikh facweyn oo ah in aan isu nimaadno, kadibna is kaashano si aan u caawino dadka liita” ayuu yiri Mr. Iwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here