Chelsea Oo Guul Farxad iyo Soo Laabasho Ah Xalay Ka Gaartay Leeds united.

0
130

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa la wareegtay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay guul soo laabasho 3-1 ah ka gaareen kooxda Leeds United oo marti ku aheyd garoonka Stamford Bridge.

Leeds ayaa hogaanka ku hormartay ka dib gool uu u saxiixay xiddigii hore ee Chelsea Bamford laakiin xiddiga gooldhalinta la saaxiibka noqday Giroud ayaa u barbareeyay ka hor inta uusan Kurt Zouma guusha ku hogaaminin isagoo ah daafaca ugu gooldhalinta badan Premier League xilli ciyaareedkan madaama uu dhaliyay afar gool iyadoo Pulisic uu dhaliyay goolka seddexaad waqtigii dhimashada ciyaarta.

Blues ayaa hogaanka horyaalka ku heysa 22 dhibcood iyagoo hal dhibic ka sareeya Tottenham iyo Liverpool kuwaasoo berri ciyaaraya.

Chelsea ayaa gool looga naxsaday daqiiqadii afaraad ee ciyaarta markii uu Philippe kubad ka soo jiiday garabka bidix isagoo kubada dhigay Zouma gadaashiisa taasoo u sahashay Bamford inuu kubada la wareego islamarkaaana la garab maro goolhaye Mendy ka hor inta uusan shabaqa soo taabanin.

Bamford ayaa ah xiddig hore oo ka tirsanaan jiray da’yarta kooxda Chelsea.

Xiddiga Faransiiska ayaa shabaqa soo taabtay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee uu ku soo bilowday Premier League. Ciyaarta oo qeybteedii hore ay xiiso badan laheyd waxaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Chelsea ayaa cadaadis xoogan saartay Leeds United qeybtii labaad iyadoo Havertz uu sigay goolka Leeds halka Timo Werner labo fursadood oo isku xigta laga beeniyay iyadoo Mason Mount isna laga horjoogsaday fursad kale.

Laakiin Blues ayaa ciyaarta hogaanka u qabatay daqiiqadii 61aad markii koorno uu soo qaaday Mason Mount uu madax xoogan ku dhaliyay daafaca Kurt Zouma taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo ay Chelsea ku hogaamineysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here