Barcelona Oo Kulankii Xalay CEEB Weyn Ay Ka Soo Gaartay Kooxda Yar Ee Cadiz,

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa ceeb weyni ay soo gaartay caawa ka dib markii ay guuldarro 2-1 kala kulmeen kooxda yar ee ku cusub horyaalka La Liga ee Cadiz oo marti loo ahaa.

Cadiz ayaa noqotay kooxda disha kooxaha waa weyn ee La Liga iyagoo hore u soo garaacay Real Madrid. Waxay caawa ka talaabsadeen Barcelona oo Messi heysata iyagoo Alvaro Negredo uu guusha ku hogaamiyay.

Waa guuldaradii afaraad ee Barcelona ka soo gaarta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, waxay ku jiraan kaalinta 7aad iyagoo leh 14 dhibcood, waxay lix dhibcood ka danbeeya kooxda kaalinta 4aad ee Real Madrid inkastoo kulan uu u harsan yahay. Halka ay 12 dhibcood ka hooseeyaan Atletico oo hogaanka heysa.

Tababare Koeman ayaa isbedelo ku sameeyay shaxdiisa kulankii ugu danbeeyay ee Champions League iyadoo Leo Messi uu shaxda ku soo bilowday halka Braithwaite uu sii xajistay booskiisa ka dib gooldhalintiisii ugu danbeysay taasoo la micno ah in Dembele uu saaxiib la noqday kursiga keydka.

Barcelona ayaa gool looga naxsaday markii ay ciyaarta socotay kaliya sideed daqiiqo wuxuuna ahaa gool uu iska dhaliyay xiddiga da’ yar Oscar Mingueza. Kubad la soo dhigay ayuu Mingueza aadiyay goolkiisa iyadoo Ter Stegen uu awoodi waayay inuu celiyo.

Barcelona ayaa kubada heysatay laakiin baasaskooda waxba ma soo kordhinin qeybtii hore iyadoo Cadiz ay difaac adag ka xiratay iyagoo u diiday Barcelona inay fursado waa weyn abuuraan.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay iyadoo kooxda ku cusub horyaalka La Liga ay 1-0 ku hogaamineyso ciyaarta.

Qeybtii labaad tababare Koeman ayaa ciyaartoydiisa u soo sheegay inay dedejiyaan baasaskooda taasoo wax ka bedeshay ciyaartooda.

Barcelona ayaa heshay goolka barbaraha daqiiqadii 57aad waxayna aheyd gool laga filayay. Xiddigaha Cadiz ayaa ku soo xoomay Messi kaasoo kubada u dhiibay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here