Wax ka Ogow Magacyada  Labada Xiddig Ee Geesiyaasha Ka Ah Anfield.

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ee difaacanaysa horyaalka Premier League ayaa la xusayaa inay u furan tahay inay iska iibiso xiddigaha kooxdeeda ee Divock Origi iyo Xherdan Shaqiri oo ahaa geesiyaashii guushii taariikhiga ahayd ee ay Barcelona kaga gaadheen Anfield.

Kaddib markii ay kusoo najaxeen ganacsigii ay sameeyeen suuqii xagaaga, Liverpool ayaa imika doonaysa inay meesha ka saarto xiddigaha keydka kululeeya inta badan ee safkeeda.

Dhaawacyada badan ee ragaadiyay Reds xilli ciyaareedkan ayaa ka dhigan inay tahay inay adeegsadaan dhammaan tamarta xiddigahooda khadka dhexe iyo daafaca iyadoo loo yeedhay ciyaaryahano ay kamid yihiin Nat Phillips iyo Ryhs Williams.

Balse hal boos oo ay kooxdu qani ka tahay ayaa ah safka weerarka iyadoo ciyaaryahano ay kamid yihiin Xherdan Shaqiri iyo Origi ay ku dhibtoonayaan inay boos joogto ah helaan.

Saddexleydii weerar ee asaasiga u ahayd Liverpool ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa lagu soo xoojiyay Diogo Jota halka uu sidoo kale dookh weerarka ah yahay Takumi Minamino.

Iyadoo ay sidaas tahay ayuu wargeyska ESPN hadda xusayaa in Liverpool ay u furantahay dhagaysiga dalabaadka Origi oo 25 sano jir ah iyo Shaqiri oo 29 sano jir ah.

Origi ayaa kaliya hal kulan kasoo muuqday Liverpool xilli ciyaareedkan halka Shaqiri uu xagaagii doonayay inuu iskaga tago Anfield kahor intii uusan caabuqa Korona rajadiisa gaabis ka dhigin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here