Maamulka Shirkadda Facebook oo eedeyn Culus Loo Jeediyay.

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Facebook inuu takoor kula kacay shaqaalaha Ameerikaanka ah isaga oo fursadaha shaqo siiyay muhaajiriinta.

Dacwad ka dhan ah shirkaddan baraha bulshada ayaa lagu sheegay inay diiddo inay shaqaaleysiiso amaba ay tixgeliso dadka Ameerikaanka ah ee u qalma shaqooyin ka badan 2,600.

Shaqooyinkaas ayaa la siiyay ajaanib heysata dal ku gal ku meel gaar ah, ayaa lagu xusay dacwadda.

Facebook ayaa dood ka keenay dacwaddaas, wuxuuna sheegay inuu la shaqeynayo waaxda.

Dacwadda waxay quseysaa isticmaalka Facebook ee dal ku galka ku meel gaarka ah ee H-1B, kuwaas oo ay aalaaba isticmaalaan shirkadaha teknolojiyadda si ay shaqaale ajaanib ah oo xirfad leh u keenaan Mareykanka.

Dacwadda oo shalay la gudbiyay, ayay waaxdu ku sheegtay in Facebook uu “si ula kac ah u abuuray hannaan shaqaaleysiin” oo dadka Ameerikaanka ah ka doorbidaya dadka heysta dal ku galka H-1B iyo shaqaale kale oo ku meel gaar ah.

Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay inay adcwadda gudbisay kaddib labo sano oo ay baaritaan ku heysay hannaanka shaqaaleysiinta ee Facebook.

Waxaa lagu codsanayaa dacwadda in Facebook “uu lacag siiyo shaqaalaha Ameerikaanka ah ee shaqada loo diiday” iyo waxyaabo kale.

Farriinta aan u direyno shaqaalaha way caddahay: Haddii shirkadaha ay u diidaan fursadaha shaqaaleysiinta iyaga oo si sharci darro ah ud oor bidaya kuwa heysta dal ku galka, Waaxda Caddaaladda way la xisaabtami doontaa,” ayuu yiri Eric S Dreiband, oo ah kaaliyaha xeer ilaaliyaha guud ee qeybta xuquuqda rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here