Gabar Soomaali ah oo Garsoore ka Noqotay Horyaal Caalami ah..

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gabadha Soomaaliyeed Jawahir Roble ayaa taariikh dhigtay labo sannadood ka hor iyadoo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah oo garsoore ka noqoto kulan kubada cagta ah dalka UK.

Gabadhaan oo loo yaqaano JJ ayaa ah garsoore rasmi ah oo shahaado ka heysata xiriirka kubada cagta Ingariiska.

Waxay haatan ku riyooneysa inay garsoore ka noqoto horyaalka Premier League iyo Champions League.

Jawahir ayaa iyada qoyskeeda waxay u guureen UK markii ay 10 sanno jir aheyd.

Waxay haatan heysaa wadadii ay ku noqon laheyd gabadhii ugu horeysay ee garsoore ka noqoto horyaalka Premier League.

Jawaahir ayaa tiri: “Uma baahnid qof kale luqadiisa inaad ciyaarto kubada cagta. Kubada cagta wax badan ayay i caawisay shaqsi ahaan.

“Mar ayaan waxaan aaday horyaal gabdho maxali ah, ma aysan heysanin garsoorayaal ku filan, waxayna i weydiisteen inaan mutadawac u noqdo. Waan ka ogolaaday sababtoo ah waan jeclahay kubada cagta, waan jeclahay sharciyada laakiin marnaba ka qiyaaseynin inaan garsoore noqonayo.

“Qorshaheyga nolosha waxa uu ahaa inaan noqdo xirfadle kubada cagta ah, sannado ka dibna waxaan noqday xirfadle garsoore, taasi qorshaheyga ma aheyn marnaba laakiin waxaan heystaa kursiga ugu fiican garoonka.”

JJ ayaa xirata xijaab iyo dhar asturan marka ay garoonka soo galeyso.

JJ ayaa ku riyooneysa inay maalin uun garsoore ka noqoto Premier League iyo Champions League.

“Waxaan doonayaa inaan meesha ugu sareysa ka gaaro.

“Garsoorayaasha waxay heystaan kursiga ugu fiican ee kulan walba. Waxay taagan yihiin bartamaha, waxaad arki kartaa wax walba oo dhacaya. Waxaad sameyneysaa go’aano muhiim ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here