Ronaldo Nazario Oo Sharraxay Sababta Uu Maradona U Xidhan Jiray LABADA Saacadood.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahankii hore ee reer Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa sharraxaad ka bixiyey sheekada sababtay in halyeygii reer Argentina ee dhowaanta geeriyooday ee Diego Maradona uu si joogto ah u xidho laba saacadood oo labada gacmood uugu kala jiray.

Inkasta oo labadooda waddan ee Brazil iyo Argentina uu u dhexeeyo xafiiltan adag oo ciyaareed, haddana Ronaldo waxa uu sheegay inuu xidhiidh saaxiibtinimo oo heerkiisu sarreeyo la lahaa Diego Maradona.

“Diego wuxuu kubadda cagta kaga tegay taariikh cajiib ah. Dhamaanteen way innagu adag tahay inaynu qaadano inuu inaga tega, anigana layaab ayuu igaga tegay warka geeridiisu, aadna waan uga murugooday.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay mulkiilaha kooxda reer Spain ee Real Valladolid ee Ronaldo Nazario.

44 jirkan ayaa intaa kaddib sharraxaad ka bixiyey sababtii ku kalliftay Maradona inuu si joogto u xidhnaado laba saacadood oo midba gacan ku xidhnayd, taas oo markii ugu horreysay ay dadku arkeen Sannadkii 2010 oo uu ahaa tababaraha xulka qaranka Argentina.

Ronaldo oo sharraxaya arrintan ayaa yidhi: “Mar ka mid ah waqtiyadii ugu horreysay ee uu igu soo booqday magaalada Madrid, waanu wada cashaynay. Wuxuu xidhnaa laba saacadood, halyeyguna kama tago labadooda meel kasta oo uu aadayo.

“Waxaan weydiiyey sababta uu u xidho labada saacadood, waxaanu ii sheegay inay inantiisu siisay labada saacadoodba illaa maalintaasna aanu mar kaliya saarin.”

Inkasta oo uu Maradona jawaabtaas siiyey, haddana Ronaldo wuxuu nasiib u yeeshay in hadiyad ahaan uu Maradona u siiyo mid ka mid ah labada saacadood ee uu xidhnaa.

“Markii aanu cuntada dhamaysanay, wuxuu iska saaray mid ka mid ah saacadaha, aniga ayaanu hadiyad ii siiyey. Maan doonayn inaan ka aqbalo laakiin wuu cadhooday kaddibna doorasho kale ayaan waayey.” Ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here