Galangalka Shiinaha ee Xukuumadda Biden oo Sii Xoogeysanaya.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sirdoonka Shiinaha ayaa dardar geliyay dadaalladooda ay saameynta ugu yeelanayaan maamulka soo socda ee madaxweynaha la doortay ee Joe Biden, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan waaxda sirdoonka Mareykanka.

William Evanina, oo ka tirsan Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka, ayaa sheegay in Shiineesku ay sidoo kale diiradda saarayaan dadka u dhow kooxda Biden.

Evanina ayaa sheegay inuu ahaa olole saameyn macmal ah lahaa.

Dhanka kale, sarkaal ka tirsan waaxda caddaaladda ayaa sheegay in inkabadan 1,000 sirdoonka Shiinaha ah ay ka qaxeen Mareykanka.

William Evanina oo ka qeyb galay kulan Arbacadii ka dhacay Machadka Aspen, ayaa sheegay in Shiinaha ay isku dayeysay faragelinta dadaallada Mareykanka uu ku horumarinayo tallaalka coronavirus iyo doorashadii dhowaan ee Mareykanka ka dhacday.

Wuxuu intaas raaciyay: “Waxaan aragnay koror, kaas oo horey loo qorsheeyay, annagana waan saadaalinnay in Shiinaha uu hadda faragelintiisa u weecin doono maamulka cusub [Biden].

“Sidaas daraaddeed taas waa mid ka mid ah waxyaabaha aan dooneyno in maamulka cusub uu hubiyo inuu fahansan yahay saameyntaas, sida ay u dhigmeyso, sida ay u dhadhameyso, iyo sida ay u muuqato marka aad aragto.”

Labadaba Biden iyo Trump waxay is dhaafsadeen eedeymo qaraar oo ku aaddan in ay saameyn ku leedahay xukuumadda Beijing.

DonaldTrump ayaa diiradda saaray heshiisyada ganacsi ee wiilka uu dhalay Biden ee Hunter Biden ee gudaha Shiinaha, halka musharraxa Dimquraadiga uu farta ku fiiqay akoonka uu Trump ku leeyahay banki Shiinaha ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here