Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo Soo Xirtay Shirka Wadatashiga Xalalka Waara ee Dalka.  

0
165

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kulankan Wadatashiga ah ee lagu xaqiijinayay istaraatiijiyada Qaran ee xalka waara ayaa  lagu soo gabogabeeyay Magaalada Muqdisho kaasoo socoday labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaana ka qeyb galay xubno ka socday Dowlada Federalka Soomaaliya Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Istaraatiijiyadan ayaa waxaa ay qeexaysaa sidii looga gaari lahaa Dadka Barakacayaasha, Qaxootiga iyo Tahriibayaasha oo ay isku raaceen ka qeyb galayaasha Kulankan taasoo maanta la meel mariyay islamarkaana dhawaan la hor geeyn doono Golaha Wasiirada JFS.

Warbixintan Waxaa Soo Jeedinaya :- Cusmaan Cabdalle Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here