Muslimiinta Faransiiska iyo Madaxweyne Makroon oo  Kulmaya Toddobaadkan.

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Golaha Muslimiinta Faransiiska ayaa lagu wadaa inay toddobaadkan dhexdiisa la kulmaan Madaxweyne Emmanuel Macron, si ay ugala hadlaan qoraal ku qoran “axdiga qiyamka Jamhuuriyadda” ee cusub kaas oo loogu talo galay inay saxiixaan imaamyada dalkaas.

Golaha (CFCM), oo wakiil ka ah ilaa sagaal ururro Muslimiin ah, ayaa la sheegay in laga dalbaday inay qoraalka axdiga ku daraan aqoonsashada qiyamka Jamhuuriyadda Faransiiska, diidmada in Islaamka loo adeegsado dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo in la mamnuuco faragelin shisheeye.

“Dhammaanteen iskuma raacsanin waxa uu axdigan yahay, iyo waxa ku xusan,” ayuu yiri Chems-Eddine Hafiz, oo ah madaxweyne ku xigeenka CFCM kana tirsan Masjidka weyn ee Paris. Balse, wuxuu yiri, “waxaan mareynaa xilli taariikhi u ah Islaamka Faransiiska, haddii aan nahay Muslimiintana waxaan qaadaneynaa mas`uuliyaddeenna”.

Siddeed sano kahor, wuxuu sheegay, inuu si aad uga duwan sidan u fekeri jiray.

Wuxuu dib u milicsaday dhacdo hore. Mohamed Merah oo kooxaha Islaamiyiinta ka tirsanaa wuxuu markaas weerarro ka fuliyay Toulouse.

“[Madaxweynihii hore ee Faransiiska] Sarkozy ayaa iga kiciyay sariirta 5am si aan uga hadalno,” ayuu yiri. “Waxaan u sheegay: ‘Magaciisa waxaa laga yaabaa inuu yahay Maxamed, balse waa dembiile!’ ma dooneyn inaan isla xiriiriyo diinteyda iyo dembigaas. Maanta, waan isla xiriiriyaa. Imaamyada Faransiiska shaqo ayaa u taalla.”

Qorshaha wuxuu yahay in CFCM ay soo saaraan liiska imaamyada Faransiiska ku sugan, qof walboo ka mid ahna uu saxiixo axdiga, si iyagana loo siiyo aqoonsi.

Madaxweyne Macron wuxuu bishii October ka hadlay inuu “cadaadis xooggan” saari doono maamullada Muslimiinta. Balse kani waa geyi adag oo ka tirsan dal taageersan cilmaaniyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here