Barcelona Iyo Lionel Messi Oo Mid Walba Gaarkiisa Loogu Riday Ganaax Lacageed.

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu riday ganaax lacageed oo dhan €600, sida ay shaacisay guddida Anshaxaha ee xidhiidhka kubadda cagta Spain.

Messi ayaa ciyaartii Osasuna garanka kooxdiisa Barcelona waxa uu ka hoos xidhay midka kooxda Newell’s Old Boys, waxaana uu midka Barca iska siibay markii uu dhaliyey goolka afraad ee kooxdiisa.

Garankan ayaa ahaa lambarkii uu Diego Maradona u xidhan jiray kooxda Newell’s Old Boys oo uu Messi na usoo ciyaaray yaraantiisii.

Wargeyska Diario Sport ayaa hore u shaaciyey in Barcelona lagu ridi doono ganaax ugu yaraan €3,000 Euro ah sida uu dhigayo sharciga xidhiidhka kubadda cagta Spain ee  mamnuucaya iyo ciyaartoygu uu soo bandhigi karo garanka koox kale, xilli uu garoonka ku jiro.

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa ugu dambayn soo saaray ganaaxa Barcelona iyo Lionel Messi iyagoo u cuskaday qodobka 91 ee xeerka anshaxaha oo sidoo kale dabakha qodobka 52aad.

Guddida Anshaxa ayaa waxay Lionel Messi ku rideen ganaax €600 Euro ah iyo digniin ah siiyeen oo ah in aanu mar dambe ku kicin fal noocan ah.

Sidoo kale, Barcelona ayaa laga khafiifiyey ganaaxii la filayay in lagu rido ee ahaa €3,000 Euro, waxaana looga dhigay €350 Euro oo kaliya.

Sidaas oo ay tahay, Barcelona ayaa la filayaa inay rafcaan ka qaadato ganaaxan aan qiimaha badan ku fadhiyin iyadoo ku andacoon doonta shacdo noocan oo kale ah oo ay sameeyeen Jose Callejon iyo Cristiano Ronaldo.

Garsoorihii dhexdhexaadinayay kulanka Lionel Messi uu shaadhka kooxda kale soo xidhay ee Mateu Lhoz ayaa waxaa kaadh digniin ah siiyey maadaama aanu haysanin wax uu kaga war-wareego, waxaanu ciyaarta kaddib sheegay in daqiiqaddii 73aad uu Messi Cuccittini, Lionel Andres oo lambar 10 u xidhan Barcelona uu siiyey kaadh digniin ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here