Atletico Oo Xalay Loo Diiday Inay Soo Baxdo iyo Romelu Lukaku Oo Soo Nooleeyay Rajadii Inter Milan.

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Inter Milan ayaa sii nooleysay rajadeeda inay u soo baxdo wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 3-2 ku garaacday kooxda hogaamineysa Group B ee Borussia Monchengladbach iyagoo haatan u baahan inay kulanka ugu danbeeya group-ka ka badiyaan Shakhtar Donetsk islamarkaana ay Real Madrid ka badiso Borussia Monchengladbach.

Inter Milan ayaa hogaanka ciyaartii caawa ku hormartay ka dib gool uu u saxiixay Matteo Darmian laakiin kooxda Jarmalka ayaa barbareysay dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta ka dib gool uu u saxiixay Alassane Plea.

Romelu Lukaku ayaa 10 daqiiqadood oo qeybtii labaad ka tirsan ku dhaliyay labo gool oo degdeg ah isagoo hogaanka Inter Milan ka dhigay 3-1 daqiiqadihii 63aad iyo 74aad.

Laakiin Borussia ayaa durbadiiba ciyaarta ku soo noqotay iyadoo labada daqiiqo ka bacdi goolkii labaad ee Lukaku uu isna goolkii labaad ee ciyaarta dhaliyay Alassane Plea.

Ma jirto koox badbaado qabta Group B kulanka ugu danbeeya ee lixaad ee la ciyaari doono isbuuca soo socda. Borussia Monchengladbach ayaa hogaanka ku heysa 8 dhibcood, Shakhtar iyo Real Madrid ayaa leh min 7 dhibcood iyadoo Inter Milan ay ugu hooseyso iyagoo leh 5 dhibcood.

Inter waxay kulankooda ugu danbeeya la ciyaarayaan Shakhtar Donetsk halka Real Madrid ay la dheeli doonto Borussia Monchengladbach.

Dhanka kale Atletico Madrid ayaa laga horjoogsaday inay xaqiijisato u soo bixitaankeeda wareega 16ka Champions League ka dib markii ay barbaro kala kulmeen kooxda difaacaneysa koobkaan ee Bayern Munich.

Atletico Madrid ayaa muddo dheer ciyaarta ku hogaamineysay 1-0 ka dib gool uu u saxiixay Joao Felix daqiiqadii 26aad laakiin rigoore loo dhigay Bayern Munich ciyaarta oo afar daqiiqo dhiman ayay ku barbareen iyadoo uu saxiixay Thomas Muller oo rigoorada lagu galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here