Dowladda Azerbaijan oo La Wareegtay Deegaanadii u Dambeeyay ee Gobolka Karabakh.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciidamada Azerbeidzjan ayaa maanta oo talaado ah la wareegay degmadii ugu danbeysay ee ay ka tanaasusho dowladda Armenia kadib heshiis nabadeed oo soo afjaray dagaal todobaadyo socday kaas oo ay labada dal ku dagaallamayeen gobolka Nagorno-Karabakh.

Wasaaradda Difaaca ee Armenia ayaa baahisay muuqaal muujinaya taangi uu ka babanayo calanka Azerbaijan oo hoggaaminaya kolonyo Ciidan ah oo gaaray degmada Lachin.

Wariyeyaasha wakaaladda Wararka ee AFP ee ku sugan degmada Lachin ayaa sheegaya in ay arkeen kolonyada ciidamada Azerbeijan oo ay dhinac socdaan Gaadiid militari oo uu leeyahay dalka Ruushka oo isugu dallaal ka ahaa heshiiska nabadeed ee dhex maray Armenia iyo Azerbeidzjan.

Dowladda Armenia ayaa oggolaatay in ay wareejiso saddex degmo oo ku yaalla gobolka Karabakh oo lagu magacaabo Aghdam, Lachin iyo Kalbajar arrinkaas ayaana qeyb ka ahaa heshiis lagu joojiyay dagaalka Armenia iyo Azerbeidzjan oo dagaalkan ku soo ceshatay deegaanno ay Armenia ka qabsatay sagaashameeyadii.

Qaar kamid ah dadkii ka guurayay Lachin ayaa guryahooda gubay markii ay sii baxayeen habeenkii Isniinta, laba guri ayaa ololayay markii ay ciidamada Azerbeidjan galayeen magaalada Lachin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here