Bannaanbax Looga Soo Horjeedo Qafiifinta Xakameynta Corona Virus oo Isra’il ka Dhacay.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kumanaan shacab reer israa’iil ah ayaa dhowr magaalo oo maamulkaasi ka tirsan ka dhigay dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in uu is casilo Ra’iisalwasaare Benjamin Netanyahu.

Sida ay xustay warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, arrinkan ayaa ka danbeeyey ka dib markii Israa’iil uu ka dhaqangalay khafiifinta xakamaynta Covid19, banaanbaxyaasha intooda badan ayaa isugu soo baxay magaalaga Qudus iyo goobo kale iyagoo dalbanaya inuu is casilo Netanyahu.

Booliiska ayaa ku xiray Qudus todobo qof oo ka mid ah taageerayaasha Netanyahu, kuwaasi oo lagu tuhmay in ay wadeen falal ka dhan ah bannaanbaxayaasha.

Bannaanbaxyada ugu waawayn ayaa ka dhacay, xarunta Ra’iisawasaare Netanyahu ka daggan yahay Qudus.

Sidoo kale magaalooyinka Tal-aviv, Xayfa, Qaysariya ayaa waxaa isugu soo baxay dadwayne farabadan oo ka soo horjeeda Natanyahu.

Wargayska afka dheer Haaretz ee ka soo baxa Isra’iil ayaa sheegay in muddo bil ah ay kumannaan shacabka ay dhigayeen bannaanbaxyo deegaanada Yuhuudda oo dhan, waxayna kaga soo horjeedaan Netanyahu iyo xukuumaddiisa iyagoo ku eedaynaya maamul xumo iyo sida aan wanaagsanayn ay ula tacaaleen Corona Virus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here