Venezuella oo Xukun ku Riday Muwaadiniin Ameerikaan ah.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamad sare oo ku taalla dalkaVenezuella ayaa xukun xabsiyo kala duwan ah ku riday , muwaadiniin u dhashay dalka Mareykanka.

Muwaadiniinta oo ka kooban Lix ruux ayaa u shaqaynayay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka, taas oo hawlo  shidaal baaris ah ka waday dalkaasi.

Maxkamadda ayaa ku eedaysan raggan Lixda ah in ay gaysteen falal la xiriira arrimo musuq maasuq, waxaana dacwaddooda marxalado kala duwan soo martay maanta ay ku fulisay xabsiyo kala duwan.

Raggan la xukumay ayaa dhammaantood ah madaxda ugu saraysa ee shirkaddan Shidaal, waxaana lagu xukumay min Toban ilaa Siddeed sano ah, kaas oo ay xabsiga ku qaadan doonaan.

Maxkamaddu ma aysan caddeyn in xukunnadooda ay ku qaadaan doonaan gudaha dalka Venezuella oo ah halka lagu xukumay iyo in ay dalkooda dib ugu soo celin doonto .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here