Jurgen Klopp Oo Jawaab Cajiib Leh Ka Bixiyay Xanaaqii Uu Mohamed Salah Muujiyay Markii La Bedelay Kulankii Maanta

0
152

Jowhar- (Radio Isnaay)-  Mohamed Salah oo careysan ayaa iska indha tiray tababare Jurgen Klopp markii la soo bedelay bilowgii qeybta labaad ee kulankii Premier League ee ay Liverpool barbaraha la gashay Brighton.

Salah ayaa ku soo bilowday kulankaan isagoo Sadio Mane kursiga keydka la dhigay madaama Jurgen Klopp uu isku shaandheynayo  kooxdiisa sababo la xiriira jadwalka ciriiriga ah ee xilli ciyaareedkan.

Salah ma uusan dheelin kulankii ugu danbeeyay ee Premier League ee ay ka badiyeen Leicester City madaama uu qabay  Korona Fayras,  waxaana la bedelay saacad markii ay socotay kulankii Champions  League ee Atalanta.

Laakiin inkastoo uu u soo nastay kulanka Brighton hadana  isaga ayaa noqday qofkii booska u baneyn lahaa Mane saacad markii ay socotay ciyaarta.

Salah ayaa si carro leh gacmaha kor ugu tuuray markii uu arkay lambarkiisa oo boodhka la soo suray,  wuxuuna  lulayay madaxa intii uu ka baxayay garoonka.

Ka dib markii uu salaamay Mane, Salah ma uusan eegin xitaa dhanka tababare Klopp oo mar walba xabadka  geliya ciyaartoyda bedelka ku soo baxda,  wuxuuna Salah fariistay kursiga keydka isagoo aan hal eray ku oran asxaabtiisa kooxda iyo shaqaalaha  tababarka.

Xanaaqa  Salah waxa uu ahaa mid muuqda iyadoo Liverpool ay ciyaarta ku dhameysatay barbaro 1-1 ah ka dib rigoore uu Andy Robertson ku galay Danny Welbeck oo uu saxiixay Gross.

“Maalinta uu Mo Salah fiican marka uu garoonka baxayo, waa maalin ay wax qaldan  yihiin” ayuu yiri Klopp oo sheegay inuu ka filayay in ciyaaryahan sida Salah oo kale ah uusan ku faraxsaneyn in la bedelo xilli hore.

“Waa inaan si taxadar leh u la dhaqanaa isaga, ma jecla in la soo bedelo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here