Xukuumadda Soomaaliya oo Bogaadisay Mashaariicda Dowladda Qatar.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Marka la eego xaqiijinta himilooyinka horumarineed ee waara, Qatar Charity waxay ka hirgelisay magaalada Baydhabo mashaariic kaladuwan oo loogu talagalay adeegyada bulshada oo si bilaasha ah uga helaan,waxaana kamid ah Iskuul Hoose Dhexe iyo Sare,Ceelbiyood iyo xarun quudin,kuwaasi oo loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan dadka danyerta ah.

Waxaa goob jog ka ahaa Xafladda furitaanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xuseen Rooble,madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza,Madaxa Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya mudane C/nuur Xaaji Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cusmaan Cabdalle Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here