Trump oo Sharuud ku Xiray Aqoonsashada in looga Guuleystay Doorashada Mareykanka.

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay shalay Khamiistii inuu iska tagayo Aqalka Cad haddii Guddiga nidaamka ergada doorashada ay caddeyaan in Joe Biden uu yahay midka ku guulaystay Dorashada dalka Maraynka afarta sano soo socda.

Donald Trump ayaa horay u diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaadhay Doorashadi laqabtay 3 Bisha November, isagaa sheegay in doorashada laga shubtay uun marna aqbalidoonin in laga guulastay.

Arintan ayaa u eg mid muujinaysa in Trump uu soo dibcay , aqoon sandoonana in laga guulaystay Doorashadi , Mr Biden uu yahay madaxweynha ku Guulastay madaxtinimad dalka maraykanka.

Codbixiyeyaasha nidaamka ergada doorashad ayaa kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo.

Donald Trump iyo taageerayaashiisa ayaa dacwado dhowr ah oo dhanka sharciga ah u gudbiyey doorashada, laakiin badankood waa ladiiday.

Horraantii toddobaadkan, Mr Trump wuxuu ugu dambayntii ogolaaday diyaarinta kala-guurka rasmiga ah ee kooxda madaxweynaha la doortay Biden.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here