Kulanka Midtyjlland vs Liverpool oo lagu Qaban doono Garoonka Borussia Dortmund.

0
183

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa kulankooda Champions League ee FC Midtjylland waxay ku ciyaari doonaan garoonka Signal Iduna Park ee Borussia Dortmund.

Waxay la micno tahay in Jurgen Klopp uu ku laaban doono garoonkii uu todobo sannadood tababare ka soo ahaa.

Tababaraha Jarmalka ayaa garoonkaan ku laabtay kaliya hal kulan oo tartan rasmi ah kulankii Europa League ee sannadkii 2016.

Laakiin Liverpool ayaa walaac ka muujisay u safarkooda kooxda reer Denmark madaama dowlada Ingariiska ay qasab ka dhigtay in karantiil 14 maalmood ay galaan dadka booqda Denmark.

Kiisaska Korona Fayras ee Denmark ayaa sarre u kacay iyadoo Liverpool ay dalbatay in la wareejiyo goobta lagu ciyaarayo kulankaan.

Codsigooda ayaa aqbalay iyadoo kulanka loo wareejiyo garoonka kooxda Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka.

Taageerayaal looma ogolaan doono kulankaan iyadoo la raacayo sharciga UEFA iyo sharciga u yaala magaalada Jarmalka.

Afhayeen lagu magacaabo Ruhr Nachrichten : “Dortmund ayaa loo xushay kulanka dhacaya 9ka bisha December.”

Liverpool ayaa kulankii Anfield waxay ku soo badisay iyagoo u baahan seddex dhibcood ka dib guuldaradii xalay soo gaartay.

Liverpool ayaa Group D ku hogaamineysaa sagaal dhibcood halka Atlanta iyo Ajax ay leeyihiin min 7 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here