Kooxda Kubadda Cagta Arsenal Oo U Soo Baxday Wareega 32da Europa League

0
171

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Arsenal oo saftay ciyaartoyda keydka ayaa sii ilaashatay rikoodhkeeda guulaha Europa League iyagoo 3-0 ku xaaqay kooxda Molde, islamarkaana xaqiijistay booskooda wareega 32da Europa League.

Arsenal oo shaxdeeda wax badan laga bedalay ayaa gaabis uu ka muuqday qeybtii hore, waxayna ku sigteen in hogaanka looga hormaro daqiiqadii 16aad, markii uu Sheriff Sinyan uu ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto.

Qeybtii labaad ayay Arsenal hurdada ka dhacay iyadoo Nicolas Pepe uu goolasha furay daqiiqadii 50aad ka hor inta uusan Reiss Nelson dhalinin goolkiisii ugu horeysay ee Yurub isagoo ciyaarta hurdo u diray shan daqiiqo ka dib.

Laba xiddig oo da’ yar oo kursiga keydka ka soo kacay ayaa iska kaashaday goolka seddexaad ee Arsenal iyadoo Folarin Balogun uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Arsenal todoba daqiiqo oo ciyaarta ka dhiman isagoo daqiiqad kaliya garoonka ku jira.

Goolkaas seddexaad ayaa sii maceeyay guusha Arsenal iyadoo Gunners ay u soo baxday wareega 32da Europa League ka dib markii ay wada badiyeen afartii kulan ay ciyaareen.

Gunners ayaa lix dhibcood ka sareysa kooxda kaalinta seddexaad ee Rapid Wien ee Group B iyadoo labo kulan ay ka harsan tahay group-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here