Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bulshada ku nool Tuulooyinka Dhaca jiinka Wabiga Shabeelle ayaa Xilligan la Daalaadhacya Cuduro ay ka mid yihiin Jadeecada iyo Duumada kuwaasi oo ay Sababeen Haraadiga Biyaha Wabiga Shabeelle.
Maxamed Cusmaan Maxamed Waa Gudoomiyaha Tuulada Halgan oo dhinaca Koofur Bari ka Xigta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa Radio isnaay u Sheegay In Cudurka Jadeecada uu ka Dillaacay Tuulada islamarkaana ay la Il daranyihiin Carruur konton Gaareysa.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cabdiwali Axmed Hilowle.