Xukuumadda Finland oo lagu Amaanay Xakameynta Corona Virus.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa indhaha caalamka ay eegayaan rai’sul wasaaraha dalka Finland oo ah hoggaamiyaha isbeheysi siyaasadeed ka kooban dumar oo keli ah, taa oo hadda muddo sanad ah hoggaamineysa waddankaas.

Waxaa haweenkaas oo dhan lagu ammaanay daganaantooda iyo hoggaanka wanaagsan ee la dagaallanka fayriska Corona.

Ra’iisul wasaaraha Finland, Wakhti uma hayso hadal maalaa-yacni ah, balse waxay noqonaysaa toddobaadkii ugu horeeyay ee ay shaqada ku soo laabato ka dib markii ay aroos gashay.

Fasaxa yare ayey ka qaadatay shaqada, ka dib arooskii la yaabka lahaa ee ay gashay bishii August, xilli uu caalamka fara ba’an ku hayay fayriska Corona.

Sanna Marin, waxay barteeda Instagram soo dhigtay sawirka iyada oo xiran dharka arooska, waxayna wada aqal galeen Markus Raikkonen, oo horey ciyaartooy u ahaan jiray, muddo dheerna ay saaxibo ahaayeen.

Waxa ay horey asxaabteeda ula wadaagtay sawiro iyada oo naas-nuujinaysa gabadheeda Emma.

Lamaanahan ayaa la arkayay iyaga oo is-barbar taagan oo gacmaha is haysta, wayna dhoollacadeynayeen. Waxay taaganaayeen goobta lagu magacaabo Keseranta, oo ah guriga ay ka deggan tahay magaalada Helsinki, meel u dhaw badda Baltic.

Waxaa sawiradan si wayn u baahiyay weriyeyaaasha wax ka qora siyaasadda iyo kuwa wax ka qora xayiisiinada dharka.

Tiro wariyayaal ah ayaa afaafka hore ee madaxtoyada ku sugaya halkaasi oo xubnaha dowladda isbahysiga ay ku kulmi doonaan.

“Ma diyaarin wixii aan wariyayaasha u sheegi lahaa,” ayay tiri Sanna Marin oo saxafiyiinta hortaagneyd. “Dhammaantood su’aalo ha waydiiyaan, si daacadnimo ah ayaan dhammana uga jawaabi doonaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here